Man United Oo Bartilmaameedsatay Laba Weeraryahan Kadib Markii Viktor Gyokeres Iska Diiday

0
48

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester United ayaa diyaar u ah inay u weecato laba weeraryahan ka dib markii Viktor Gyokeres iska diiday in uu u dhaqaaqo Ol Trafford.

Gyokeres ayaa u soo muuqday bartilmaameedka koowaad ee Ruben Amorim laakiin waxaa lagu soo waramayaa inuu u sheegay Red Devils inuusan aadi doonin Old Trafford xagaagan.

Wargayska Record ayaa sheegtay in Gyokeres, oo dhaliyay 54 gool 52 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkii hore, uu go’aansaday inuu u dhaqaaqo Arsenal.

Gunners ayaa sidoo kale si aad ah loola xiriiriyay Gyokeres iyagoo raadinaya in ay u dhaqaaqaan weeraryahan cusub suuqa xagaaga.

Arsenal ayaa si isdaba joog ah ugu tartamaysay horyaalka Premier League intii uu Arteta hogaaminayay waxayna gaartay semi-finalka Champions League xiliciyaareedkii hore.

Iyadoo Arsenal ay ugu cad-cad tahay inay la soo wareegto Gyokeres, 27, Amorim iyo Sir Jim Ratcliffe ayaa lagu qasbay inay tixgeliyaan bartilmaameedyo kale si ay ugu xoojiyaan weerarka.

Sida laga soo xigtay Daily Mirror, United ayaa haatanba eegaya in ay raadiyaan dookhyo kale iyaga oo doonaya saxiixa xiddiga.

Ekitike, oo 22 jir ah, ayaa ku riyaaqay xilli ciyaareed cajiib ah Eintracht Frankfurt, isagoo soo jiitay xiisaha United, Liverpool iyo Chelsea.

Dookha kale ee Manchester United, sida laga soo xigtay The Sun, waa Victor Osimhen.