Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Man United ayaa bar-baro lama filaan ah la gashay kooxda Arsenal kulan ka tirsanaa premier League.
Kulanka ayaa haa mid xiiso leh oo ay labada kooxood oo bandhigeen qaab ciyaareed heer sare ah.
Arsenal ayaa maamulaysay ciyaarta iyada oo wax walba u samaysay sidii ay u dhalin lahayd goolal.
Daqiiqadii 45+2-aad ayay Man United dhalisay goolka 1-aad waxana uu dhaliyay laad xor ah.
Qaybta dambe ayay Arsenal sii waday dadaalada ku doonayso goolal ay ciyaarta wax kaga badalaan.
Daqiiqadii 74-aad ayay Arsenal dhalisay goolka bar-baraha waxana u dhaliyay xiddiga Declan Rice kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/1.
Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood ku kala bexeen bar-baro.