Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Erling Haaland ayaa wajahaya muddo uu dhaawac uga maqnaado kooxda Man City kadib markii uu dhaawac kuraanta ah Soo gaadhay kulankii Bournemouth ee FA Cup-ka.
Laacibka heerka caalami ee dalka Norway ayaa dhaawac uu soo gaaray intii lagu guda jiray tartan uu la galay ciyaaryahanka khadka dhexe ee Bournemouth Lewis Cook qeybtii labaad ee ciyaartii ay 2-1 kaga badiyeen wareega quarter-finalka FA Cup.
Haaland waxa uu dareemayay xanuun badan waxana lagu Dhex-daweeyay garoonka ka Hor inta aan ciyaarta Laga saarin sabab la xidhiidha dhaawac Soo gaadhay.
24-sano jirkaan ayaa maray tijaabadii ugu horeysay Isniintii, waxaana uu haatan booqan doonaa khabiir ku takhasusay, iyadoo City ay raadineyso inay ogaato darnaanta dhaawaca, inkastoo ay rajeynayaan inuu dib u soo laabto ka hor dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Warbixin cusub oo ku saabsan Haaland oo la sii daayay habeenimadii Isniinta, City ayaa bayaan ku sheegtay: “Manchester City FC waxay xaqiijin kartaa in Erling Haaland uu dhaawac ka soo gaaray canqowga bidix.
“Erling ayaa baaritaankii ugu horreeyay ku maray Manchester subaxnimadii Isniinta wuxuuna hadda raadsan doonaa la-talin takhasus ah si loo xaqiijiyo inta uu gaarsiisan yahay dhaawaca”