Man City oo soo ceshatay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay ka adkaatay kooxda Brighton

0
192

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Manchester City ayaa soo ceshatay hoggaanka horyaalka Premier League kaddib markii ay 3-0 kaga adkaatay kooxda Brighton oo ku soo booqatay garoonkeeda Etihad.

Qeybta hore ee ciyaarta ayeey labada kooxood Manchester City iyo Brighton ku kala nasteen barbardhac 0-0 ah.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

Daqiiqadii 53-aad kooxda martida loo ahaa ee Manchester City ayaa hoggaanka ciyaarta la wareegtay waxaana 1-0 ka dhigay Riyad Mahrez.

65 daqiiqo Phil Foden oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Riyad Mahrez ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-0 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.

Daqiiqadii 82-aad kooxda Manchester City ayaa sii dheereysatay hoggaaminta ciyaarta waxaana 3-0 ka dhigay Bernardo Silva kaddib markii uu caawin ka helay Kevin De Bruyne.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa waxay ku dhammaatay 3-0 ay kaga adkaatay Manchester City, kooxda Brighton oo ku soo booqatay garoonka Etihad, City ayaa kaddib guushan ay gaartay waxay dib u soo ceshatay horyaalka Premier League, waxayna leedahay 77 dhibcood, hal dhibic ayeey ka sara mareen kooxda kaalinta labaad ku jirta ee Liverpool.