Man City oo qorsheeneysa inay la soo saxiixato xiddig ay bartilmaameed ka dhiganayaan Real Madrid iyo Barcelona

0
267

(Manchester) 18 Sebt 2020. Manchester City ayaa qorsheeneysa inay la soo saxiixato laacibka ay bartilmaameedka ka dhiganayaan kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, inta lagu gudi jiro suuqan xagaaga.

Manchester City ayaa ku dartay magaca daafaca kooxda Seville ee Jules Koundé, bartilmaameedyadeeda suuqan xagaaga, si ay ugu xoojisato safka daafaceeda xiddig cusub, si loogu lamaaniyo Aymeric Laporte.

Sida lagu sheegay warbixin lagu daabacay wargeyska “Daily Mail” ee dalka England Man City waxay u aragtaa Jules Koundé, dooq ka wax qabad wanaagsan saaxiibkiis ay isku kooxda yihiin ee Diego Carlos.

MERCATO : Le Real Madrid suit de près Jules Koundé

Warbixinta ayaa tilmaamtay in wadahadaladii ay Man City kula jirtay kooxda Napoli ee ku saabsanaa heshiiska Kalidou Koulibaly uusan gaarin natiijadii la rabay, maadaama kooxda reer Talyaani ay dooneyso laacibkeedan inay ku iibiso wax ka badan 70 million pounds.

Waxaa xusid mudan in Jules Koundé uu waxqabad cajiib ah ka sameeyay kooxda Seville, ha ahaato tartamada gudaha ee Spain, ama kuwa Yurub, wuxuu soo jiitay indhaha kooxaha Real Madrid iyo Barcelona, ​​kuwaasoo muujiyay xiisaha ay u qabaan adeegyadiisa.

Gool FM.