Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Kooxda Man city ayaa laga reebay koobka kooxaha adduunka kadib guuldaro ay kala kulmeen kooxaha Al-Hilal ee ka socota sucuudiga.
Labada kooxood ayaa isaga hor yimid wareega 8 dhamaadka koobka kooxaha adduunka.
Kulanka ayaa ahaa mid xiiso leh oo ay labada kooxood soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u fiican.
Man city ayaa maamulaysay ciyaarta halka ay Al-Hilal ciyaaraysay weeraro rogaal celis ah.
Man city ayaa goolasha bilowday daqiiqadii 9-aad waxana u dhaliyay Bernanrdo Silva xiddigaha Haaland iyo foden ayaa dhaliyay labada gool ee kale ee man city.
Al-Hilal ayaa iyaduna dhalisay 4 gool iyaga oo 3 jeer Man city kaga hor maray goolka.