Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Man city ayaa guul cajiib ah waxa ay ka gaareen Arsenal oo ay uga badiyeen 3/1 ,waxa ayna haatan la wareegeen hogaanka marka la eego dhanka tirada goolasha
Sheekada qeybta hore : Arsenal iyo Man City ayaa nasiinada ku aaday bar bar dhac min hal gool ah xili wiilasha Pep ku horeeyeen goolka
Arsenal ciyaar deg degsiimo leh ayay ku bilaabeen Man City si ayay gaabis u aheyd kubadooda balse waxa ay ka faai`deysteen qalad ka dhacay Arsenal gaar ahaan Tomiyasu waxaana gool cajiib ah u turjumay De Bryune daqiiqadii 24-aad
Arsenal waxa ay ku guuleysteen in halista weerarka City celiyaan waliba Haaland iyadoo Saliba uu sida kooladi uu ugu dhagannaa Haaland .
Qeybta labaad : qaab jacbur ah ayay ku bilaabeen labada koox , mana jirrin fursado balse guud ahaan labada dhinac hami ah in natiijada wax ka badalaan ayaa ku jiray .
City waxa ay ku doodeen rigoore balse Var ayaa daqiiqadii 59-aad diiday iyadoo sidoo kale hawada lagu laaday kaarka digiinta ee la siiyay Gabriel Magalhaes
Daqiiqadii 67-aad City nasiibka ayaa diiday laba fursad xaqiiq gool ayaa laga bad baadiyay oo shabaqa sii galayay waxaana dhanka halista gilinta ku badneyd City
Marka la eego isku dayada City sameynayeen , waxa ay keeneen gool si wada jir ah uga shaqeeyaan Haaland iyo Gundogan waxaana shabqa dhigay Grealish daqiiqadii 2-aad , xilli kubadda ay ku sii dhacday xididg Arsenal ah .
Sidaas oo ay tahay, Arsenal isma dhiibin kubadana waa gaarsiinayeen aagga goosha City balse go`aan qaadasho deg deg ah ayay ka sheeganayeen .
City waxa ay ka faa`ideysanayeen ciyaartooyda Arsenal oo afka hore u soo dhaqaaqayay waxaa lagu helay gool sedexaad waxaana shabaqa dhigtay Haaland daqiiqadii 82-aad
Si kastaba waxa Arsenal looga dhameeyay 3/1 oo hogaanka loogala wareegay .