
Dhoobley (Radio Sanguuni) Manchester City oo guul ka soo heshay kooxda Wolverhampton oo ay ku booqatay Molineux Stadium, kaddib markii ay kaga soo adkaatay 1-3, kulan qeyb ka ahaa horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda martida aheyd ee Manchester City.
Daqiiqadii 20-aad Manchester City ayaa heshay rigoore waxaana gool u badelay Kevin De Bruyne.
Phil Foden ayaa daqiiqadii 31-aad ee ciyaarta ka dhigay 0-2 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City, waxaana goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Raheem Sterling.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
Daqiiqadii 78-aad Wolverhampton ayaa la timid gool, waxaana ciyaarta 1-2 ka dhigay Raul Jimenez, kaddib markii uu goolkan ka caawiyay saaxiibkiis Daniel Podence.
Laakiin daqiiqadii 90-aad weeraryahanka reer Brazil ee Gabriel Jesus ayaa dheesha ka dhigay 1-3 ay ku hoggaamineysay kooxda Manchester City.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku soo dhamaatay 1-3 ay ku adkaatay kooxda Manchester City oo ku booqatay naadiga Wolverhampton garoonkeeda Molineux Stadium, City ayaana gacanta ku dhigtay saddexdeeda dhibcood ugu horeeyay horyaalka Premier League kal ciyaareedkan 2020/21.