Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni). Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad guuldarro kala kulantay 10 xiddig oo kooxda Leeds United ah, kaddib markii loogu awoood sheegtay 1-2, xilli ciyaartan ay qeyb ka aheyd kulammada toddobaadkan ee horyaalka Premier League.
Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda marti aheyd ee Leeds United.
Daqiiqadii 42-aad kooxda kubadda cagta ee Leeds United ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay xiddigooda Stuart Dallas, kaddib markii uu caawin ka helay ee Patrick Bamford.
Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.
76 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay kooxda Manchester City ayaa dhalisay goolka barbardhaca,waxaana 1-1 ka dhigay Ferran Torres oo caawin ka helay saaxiib Bernardo Silva.
Laakiin daqiiqadii 90-aad kooxda Leeds United ayaa markale hoggaanka u qabatay dheesha waxaana 1-2 ka dhigay Stuart Dallas oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Ezgjan Alioski.
Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhamaatay 1-2 ay kaga soo adkaatay Leeds United kooxda Manchester City oo ay ku booqatay garoonkeeda Etihad.
SAWIRRO:
Gool FM.