Magacyada Xiddigaha Waaweyn Ee PSG Siinayso Man City Si Ay Uga Hesho Bernardo Silva

0
100

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Sida ay sheegayso warbixin cusubi, kooxda French-ka ah ee Paris Saint-Germain ayaa xiisaynaysa markale saxeexa khadka dhexe ee Man City ee Bernardo Silva iyadoo markan ciyaartoy ku bedelanaysa.

Labada ciyaaryahan ee ay Paris ku doonayso bedelka Silva ayaa ah goolhaye Gianluigi Donnarumma iyo khadka dhexe ee Marco Verratti.

Image

Waxa bilaabmay markale wararka xanta ah ee 28 sano jirkaas la xidhiidhinaya bixitaan iyadoo wargeyska Mail Sport hore u sheegay in kooxaha Sucuudiga gaar ahaan Al Hilal xiisaynayso una soo bandhigtay mushahar 75 Milyan oo pound ah sanadkii.

Sidoo kale Barcelona ayaa dib usoo noolaysay xiisaheedii Silva, iyadoo heshiiska uu toddobaadkii 150,000 ee pound ku qaato ee City dhacayo 2025 ayay kooxdiisa qudheedu heshiis cusub oo ka wanaagsan midkii hore u bandhigtay.

Si kastaba, sida uu sheegayo wargeyska Foot Mercato, kooxda tababare Luis Enrique ayaa rajaynaysa inay xiddiga Champions League soo hantay kasoo qaataan Pep Guardiola.

Verratti ayaa noqon lahaa bedelka kabtankii City ee Ilkay Gundogan oo Barcelona ku biiray halka Donnarumma uu tartan la gali lahaa Ederson Moraes.

Warbixinta ayaa sheegaysa in Paris kalsooni weyn qabto gaar ahaan in ciyaaryahanku ku biirista kooxdeeda doonayo halka madaxa suuqa PSG ee Christophe Galtier uu tijaabinayo dhigiisa City ee Txiki Begirstain oo uu ciyaartoy kala duwan u bandhigay.