Magaalada Xudur oo maanta laga oogay Salaad Roob doon ah “SAWIRRO”

0
468

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Boqolaal shacabka magaalada Xudur ayaa isugu soo baxay goobta lagu tukaday salaadda Roobdoonta oo Alle looga baryay in naxariistiisa u soo dejiyo, waxaana bulshada kala duwan ee soo xaadirtay lafaray in ay iscafiyaan, Allena u towbad keenaan, masaakiintana ay caawiyaan.

Dadka ku sugnaa goobta Alla bariga waxa wajiyahooda ka muuqday khushuuc iyo sida ay ugu baahan yihiin Raxmadda Eebbe, marka laga baxay salaadda roobdoonka waxa warbaahinta oo ka qeyb gashay la hadlay qaar ka mid ah bulshada oo sheegay in ujeedka isu imaantankooda uu ahaa Alle bari iyo inay is cafiyaan.

Sanadka gu’ga oo lafiyayay roobka in xilligaan ka soo hormaro waqtiga hadda la joogo oo bisha April 16 marayso wali roob ma di’in, bulshada gobolka Bakool intooda badan waa beeralay iyo xoola dhaqato, beeraha waqti hore ayaa la abuuray,  xoola dhaqatada waxay u barakaceen deegaanno kale, waxa lagu gudajiraa bisha barakaysan ee Ramadaan hase ahaatee waxa la wajahayaa kuleyl iyo biyo la’aan, taasoo sabab u ah isusoo baxa lagu oogay salaadda roob doonka maanta latukaday magaalada Xudur.