Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-10 Bisha October oo ah Maalinta Caalamiga ah ee loo asteeyay Xanuunka dhimirka ayaa Munaasabad lagu xusayay Maalintan waxaa lagu qabtay Isbitaalka Dhimirka ee Dr Xabeeb ee Magaalada Muqdisho.
Isbitaalka Xabeeb oo lagu daaweeyo dadka qaba xanuunada dhanka dhimirka ah ayaa Munaasabadda lagu xusayay waxaa ka qeyb galay dadka bunaakada ah ee ku jira Isbitaalkaasi, waxaana goobta lagu soo bandhigay hal ku dhigyo ka turjumaya maalintan.
Dr Cabdiraxmaan Cali Cawaale Xabeeb Maamulaha Isbitaalka Dhimirka ee Dr Xabeeb oo ugu horeyn Munaasabadda ka hadlay ayaa kawarbixiyay ahmiyada ay leedahay Maalintan iyo hal ku dhiga loo asteeyay Sanadkan.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya