Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Hay’adda Nabad Sugidda iyo Sirdoonka dowladda Jubbaland ee JISA ayaa galabta mid kamid ah xarumaha hay’adda waxa ay ku soo bandhigtay 20 nin oo dukumintiyo sharci darro ah u adeegsanayay gaadiidkooda maadaama ay kamid ahaayeen gaadiidlayda ka shaqeeya magaalada Kismaayo, ee tagaasida ah.
Sidoo kale hay’adda waxa ay sheegtay inay gacanta ku hayso shabakad documentiyada sharci darrada ah ee gaadiidka ka shaqaysa oo raggan la soo bandhigay ay xiriir macaamil la lahaayeen, kuwaasi oo imika uu baaritaan ku socdo, marka baarista la dhammeeyana la soo bandhigi doono.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawaramaya