Magaalada Kismaayo oo laga daah-furtay tababar loo qabtay Wariyaasha ka howlgala Kismaayo

0
82

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wasaarada Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska-Jubaland, mudane Cabdifatah Maxamed Mukhtar ayaa tababar la xiriira xoriyadda hadalka Magaalada Kismaayo uga furay Wariyeyaal ka howgala Deegaanada Jubaland.

Aqoon kororsigan oo uu taageerayay Xafiiska Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya ee United Nations Assistance Mission in Somalia – UNSOM ayaa socon doona laba maalin, waxaana si toos ah u bixinaya saraakiisha xuquuqul Insaanka u qaabilsan UNSOM iyo howl wadeeno katirsan wasaaradda, ayadoo diiradda lagu saarayo mabaadi’da caalamiga ah ee ku aaddan xorriyadda hadalka, iyo sidoo kale heerarka xuquuqda aadanaha ee gobolka oo dhan.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawarmaya