Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiirka Wassarada Cadaalada iyo Arimaha Dastuurka ee Jubbaland Cabdiwali Xusen Jaamac iyo Gudoomiyaha gudiga Arimaha bulshada Baarlamaanka Jubbaland sheekh Cabdi Maxamed ayaa si wada jir ah Magaalada kismaayo uga daahfuray tababar ku saabsan cadaalada iyo sinaanta si loo xoojiyo fahanka ku saabsan xalinta khilaafaadka iyadoo la adeegsanayo wada hadal toosan.
Tababarka oo socon doono mudo afar maalmood ah ayaa waxaa ka qayb galay qaybaha Kala duwan ee bulshada kuwaas oo ay kamid yihiin odoyaasha dhaqanka Haweenka dhalinyarada culimada xubno ka tirsan garsoorka iyo saraakiil ka socotay Boliiska.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa