Magaalada Kismaayo oo laga daah furay Mashruuc kaabaya Bulshada kuwooda danyarta ah.

0
205
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda qorsheynta maalgashiga iyo iskaashiga Caalamiga ah ee Jubbaland mudane Faarah Muqtaar Daa’uud ayaa daahfuray mashuruuca Kaaba bulshada kuwa danyarta ah oo ay iska kaa shanayeen hay’adaha NRC,Concern,Jubba foundation iyo lifeline Gedo kaas ka fuli doona qaar kamid Degmooyinka oo kala Kismaayo,Afmadoow ,Baardheere iyo Beladxaawo.
Waxaa furitanka mashruuca kasoo qeyb galay agaasimaha guud ee Wasaaradda Beeraha iyo waraabka Jubbaland,wakiilo ka kala socotay hay’adaha NRS,concern,Jubba foundation iyo lifeline Gedo iyo madax waxeedyo kasocday Wasaradaha qorsheynta iyo Wasaaradda Beeraha Jubbaland.
Agasimaha guud ee Wasaaradda beeraha iyo waraabka Jubbaland Maxamed Xuseen Maxamed oo madasha ka hadlay ayaa bogaadiyey shaqada ay hayaan Hay’addaha asagoo ku dhiri galiyey in ay mashruucan si wanagsan u fuliyaan.