Magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug oo maanta lagu doortay laba xildhibaan oo ka mid noqonaya xildhibannada golaha shacabka.

0
328

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug ayaa maanta lagu doortay laba xildhibaan oo ka mid noqonaya xildhibannada golaha shacabka.

Labada xildhibaan ee la doortay ayaa kala ah Maxamed Abukar jacfar oo ahaa guddoomiyaha degmada Deyniile iyo Cadar Cali Maxamed ( Shalaqbeen).

Maxamed Abukar jacfar oo ku guuleystay kursiga HOP#025 ayaa helay 100 cod kadib markii uu tanaasulay Xassan Cali Cismaan oo kula tartami lahaa kursigan.

Sidoo kale Cadar Cali Maxamed oo ku guuleysatay kursiga HOP#081 aya heshay 71 cod kadib markii ay tanaasushay Nasro Maxamed Dalabeey oo kula tartami laheyd kursigan.

Dhanka kale guddiga doorashada Galmudug ayaa shaaciyay jadwalka doorashada saddex kursi oo 14-ka bishan lagu dooran doono Magaalada dhuusamaeeeb kuwaasoo kala ah HOP#138, HOP#007 iyo HOP#040.

kursiga doorashadiisa sida weyn isha loogu hayo ayaa ah kursiga HOP#138 oo uu xubnaha ku loolamaya uu ka mid yahay siyaasiga Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame.

Sidoo kale guddiga doorashada Galmudug ayaa soo saaray liiska odayasha iyo Xubnahan bulshada rayidka ee soo xuli doono ergada doorashada saddexdan kursi.