Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Maanta oo Isniin ah ayaa waxaa siweyn looga Ciidayaa dalal badan oo kamid ah Caalamka oo ay ku jirto Soomaaliya, kadib markii shalay oo Axad aheyd dadka Muslimiinta ah badi ay Soomanaayeen ayna dhameyareen 30-ka Bisha Barakeysan ee Ramadaan.
Magaalada Muqdisho Maamul Goboleedyada & degaannada Somaliland ayaa Maanta siweyn looga ciidayaa, iyada oo Goobo fagaaro ah iyo masaajida ay Bulshada Soomaaliyeed ku dukanayaan Salaada Ciidul Fidriga.
Markii aad marto wadooyinka waaweyn ee Magaalada dhoobley ayaa waxaad arkeeysaa Dhalinyaro aad u labisan oo qaarkood ay la socdaan Waalidiintooda, kuwaas oo Maanta siweyn u Ciidaya Maalinta Koowaad ee Ciida.
Qaar kamid ah bulshada deegaanka dhoobley oo aan waraysi layeelanay ayaa kawarbixiyay dareenkooda ku aadan munaasabada ciida.
Khadar Axmed Salaan. ayaa ka warramaya