Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Munaasabad ay soo qaban Qaabisay Wasaaradda Caafimaadka KGS oo u jeedkeedu ahaa Daah furka ol olaha Talaalka Caruurta ay Da’doodu ay ka yartahay 5 Sano waxaana Munaasabada ka soo qeyb galay Wakiilo kala socday Hay’addaha UNICEF iyo WHO iyo Wasaaradda Caafimaadka KGS.
ugu horeyn waxaa goobta ka hadlay Qaar kamid ah Masuuliyiinta ka soo qeyb galay Munaasabada iyagoona si aad ah u booriyay Talalkan iyo muhiimada uu u leeyahay Carruurta ay Da’dooda ay ka yartahay 5 sano.
ugu danbentii Niciima Axmed Cadow Agaasimaha waxaada Caafimaadka Qoysaska ee Wasaaradda Caafimaadka KGS oo daah furtay Talalka ayaa kula dardaarantay Howl wadeena Talalka in ay gaarsiiyaan Caruur aad u tiro badan.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya