Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa lagu qabtay doorashada guddoomiyaha ururka waxbarashada iyo horumarinta ardeyda gobolka Hiiraan kaasoo ay ku tartameen laba musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Cumar Maxamed iyo Dirir Cumar Cismaan.
Doorashadan ayaa waxaa codeeyay 25 xubnood oo ka mid ah ururka waxbarashada iyo horumarinta ardeyda gobolka Hiiraan.Ururada bulshada rayidka gobolka Hiiraan, bahda waxbarashada iyo guddoomiyaha magaalada Feerfeer ee gobolka Hiiraan Mahad Maxamed Xassan ayaa goob joog ka ahaa doorashadan.
Cabdiraxmaan Cumar Maxamed ayaa ku guuleystay guddoomiyaha ururka waxbarashada iyo horumarinta ardeyda gobolka Hiiraan isagoo helay 22 cod halka musharaxa la tartamayay Dirir Cumar Cismaan uu helay 3 cod.
“ Waxaan halkan ku qabanay doorashada guddoomiyaha ururka waxbarashada iyo horumarinta ardeyda gobolka Hiiraan waxaa ku tartamay laba musharax oo kala ah Cabdiraxmaan Cumar Maxamed iyo Dirir Cumar Cismaan, waxaa guddoomiyaha ururka ku guuleystay Cabdiraxmaan Cumar Maxamed oo helay 22 cod, halka Dirir Cumar Cismaan uu helay 3 cod, waxana codeeyay 25 xubnood oo ka mid ah ururka.”ayuu yiri Feysal Cismaan oo ka mid ah xubnaha guddiga doorashada ee ururka waxbarashada iyo horumarinta ardeyda gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha cusub ee ururka waxbarashada iyo horumarinta gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Cumar Maxamed ayaa balan qaaday inuu juhdi badan gelin doonaa howsha ururka.
“Marka hore dhamaantiin waad mahad santihiin, sida aad igu codeyseen masuuliyad weyn ayaan qaaday waxaan rajeyneyna inaan ka soo bixi doono maadaama muddo aan ururka xubin ka ahaa, walaalkey dirir waxaan leehaya waan wada guuleysanay ee kama guuleysan.”ayuu yiri guddoomiyaha cusub ee ururka waxbarashada iyo horumarinta gobolka Hiiraan Cabdiraxmaan Cumar Maxamed, Musharax Dirir Cumar Cismaan oo laga guuleystay ayaa balan qaaday inuu la shaqeyn doono guddoomiyaha cusub.