Madaxweynihii hore ee Koonfur Afrika, FW de Klerk, sidoo kalena ahaa qofkii ugu dambeeyay ee cadaan ah ee hogaamiya dalkaas ayaa geeriyooday.

0
157

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Ninkan oo 85 jir ahaa ayaa horaantii sanadkan laga helay cudurka kansarka.

Waxa uu xukunka qabtay 1989 kii, waagii nidaamkii midab takoorku jiray, kaas oo nidaam sharciyeynayey cunsuriyadda, hase yeshee markii dambe waxa uu noqday shakhsi qayb muhiima ku lahaa in dalku isku bedelo dimuqraadi.

Wuxuu amar ku bixiyay in xabsiga laga sii daayo Nelson Mandela, taas oo horseeday doorashooyin taariikhi ah oo hoggaamiyihii ka soo horjeeday midab takoorku ku noqday madaxweynihii ugu horreeyay ee madow ah.

De Klerk waxay Mandela ku wada guulaysteen abaalmarinta nabadda ee Nobel, oo wuxuu ku mutaystay sidii uu wada xaajoodka uga galay in la soo afjaro hanaankii midab takoorka ahaa. Laakiin sooyaalkiisa ayay ku kala aragti duwan yihiin dadka Koonfur Afrika.

Markii uu geeriyooday ka dib, ayaa mu’asassadiisa FW de Klerk Foundation waxay baahisay muuqaal la sii duubay oo cinwaan looga dhigay “farriintiisii u dambaysay” taas oo uu kaga hadlayo midabtakoorka.

“Aan maanta mar kale ku celiyo fariintan u dambaysay, anigoon darajo sheeganayn, aan idhaahdo waxaan raali gelin ka bixinayaa xanuunka iyo dhaawaca, iyo sharaf-darrada iyo dhibaatada gaadhay dadka madow, kuwa maarriinka ah iyo Hindida Koonfur Afrika,” ayuu yidhi.

Mu’asassadda ayaa sheegtay in De Klerk uu ku dhintay gurigiisa isagoo mudo dheer la daalaa dhacayey cudurka mesothelioma oo ah kansar ku dhaca xuubka sambabada.

Madaxweynaha Koonfur Afrika Cyril Ramaphosa ayaa yidhi waa in dhimashada De Klerk “ay dhammaanteen ina xasuusisaa curashadii dimuqraadiyadeena”.

Ka dib markii uu ku shaqeynayay in ka badan toban sano qareenimo, De Klerk wuxuu ku guuleystay kursi baarlamaan oo wuxuu ka soo baxay xisbiga National Party, oo ahaa xisbigii abuuray nidaamka midab takoorka sannadkii 1948.

Waxa uu soo qabtay jagooyin dhawr ah oo wasiirnimo ah ka hor inta aanu la wareegin hogaanka xisbiga bishii February 1989, bilo ka dibna waxa uu noqday madaxweyne.

De Klerk waxa uu ahaa nin si adag u aaminsan midab takoorka, laakiin markii uu xukunka qabtay waxa uu si cad ugu baaqay in loo baahan yahay Koonfur Afrika oo aan cunsuri ahayn.

Khudbad caan ah oo uu baarlamaanka ka jeediyay 1990-kii ayuu ku sheegay in uu meesha ka saaray mamnuucida xisbiyadii uu ka midka ahaa kii Mandela ee African National Congress (ANC) wuxuuna sheegay in uu amrayay in xabsiga laga sii daayo Mandela 27 sano kadib.

Ficilkiisu waxa uu gacan ka geystay soo afjaridda xilligii midab takoorka ee Koonfur Afrika, wuxuuna noqday mid ka mid ah labadii madaxweyne ku xigeen ee dalkaas ka dib doorashooyinkii xisbiyada badan ee 1994-kii oo Mandela uu noqday madaxweyne.

De Klerk waxa uu ka fadhiistay siyaasadda sannadkii 1997-kii isag oo yidhi “Waxaan aaminsanahay in go’aankayga ay danta dalka iyo ta xisbiguba ku jirto.”

In kasta oo xidhiidhka De Klerk iyo Mandela uu inta badan ahaa mid khilaaf ba’an, haddana madaxweynaha cusub waxa uu ku tilmaamay ninka uu kala wareegay taladu inuu ahaa qof daacad ah.

Bayaan ay soo saartay Khamiistii, Mu’asasada Nelson Mandela ayaa lagu sheegay in De Klerk “weligiis taariikhda Koonfur Afrika la xusi doonto Nelson Mandela”.

“Sooyaalka De Klerk waa mid weyn sidoo kale waana mid aan marin keliya lahayn marka waana mid mudan in dadka Koonfur Afrika ay haatan garawsadaan”.

Dad badan ayaa ku eedeeyay De Klerk inuu mas’uul ka ahaa rabshado loo geystay dadka madow ee Koonfur Afrika iyo dadka u ololeeya ka hortagga midab takoorka intii uu xukunka hayay.

Sannadkii hore ayuu mar khilaaf dhaliyey oo waxa lagu eedeeyay in uu hoos u dhigay dhibaatadii midab takoorka, ka dib markii uu sheegay in aanu si buuxda u aaminsanayn isaga oo ka jawaabaya su’aal weriye weydiiyey oo ahay inuu aaminsan yahay in nidaamkaasi ahaa dembi aadamenimada laga galay. De Klerk ayaa se markii dambe raaligelin ka bixiyay hadalkaa la “qoonsaday”.

Qareenka u dooda xuquuqul insaanka ee Howard Varney la yidhaa ayaa Khamiistii ku tilmaamay inuu yahay “nin niyadda kala jiray midab takoorka”, halka ururka Fort Calata Foundation oo u ololeeya caddaaladda dadka uu dilay taliskii hore ee caddaanka tirada yari ay ku tilmaantay “dambiile midab takoor”.

Farriinta muuqaalka ah ee la sii daayay dhimashadiisa ka dib, De Klerk wuxuu ku sheegay in uu marar badan “raali-gelin ka bixiyay xanuunka iyo sharaf-darrada uu midab takoorku u keenay dadka aan caddaanka hayn ee Koonfur Afrika”.

Dhambaalkiisii tacsida ayaa Ramaphosa waxa uu De Klerk ku ammaanay “doorkii muhiimka ahaa” ee uu ka qaatay u gudbida dimuqraadiyadda Koonfur Afrika, in kasta oo “cadaadis adag oo liddi ku ah uu kala kulmay dad badan oo ka tirsan xisbigiisii siyaasadeed”.

Xisbiga mucaaradka ah ee ugu weyn Koonfur Afrika, Democratic Alliance, ayaa sheegay in aan la soo koobi karin doorkii uu De Klerk ku lahaa in dalku u guuro hanaan dimuqraadi ah.

Ra’isal wasaaraha Ingiriiska Boris Johnson ayaa sheegay in De Klerk lagu xasuusan doono “miiganaantiisii iyo dhab ka hadalnimadiisii uu waxa saxda ah ee u muuqda aanu kaga leexan jirin”.