Madaxweynihii Dhawaan Xilka Laga Tuuray ee Dalka Maali oo Xaalad Caafimaad Awgeed loo Duuliyay Imaaraadka

0
185

Madaxweynihii hore ee dalka Maali ee dhawaan xilka laga tuuray Ibrahim Boubacar Keita, ayaa loo duuliyey dalka Imaaraadka kaddib xaalad caafimaad darro oo la soo gudboonaatay.

Keita oo laba todobaad ka hor afgambi millatari looga qaaday talada dalka Maali ayaa lagu duuliyay diyaarad gaar ah kaddib markii uu ku dhacay xanuunka faaligga.

Keita oo 75 jir ah ayaa Talaadadii la dhigay isbitaal ku yaalla magaalada Bamako, lix maalmood kaddib markii ay xoriyaddiisa dib u siiyeen hogaamiyaasha miltariga ee xilka kala wareegay 18-kii Ogosto.

masuul hore oo ka tirsanaa maamulkii Keita ayaa sheegay in masuulkan uu dalka ka maqnaan doono muddo 15 cisho ah.

Hogaamiyaasha miltariga ee la wareegay talada dalka Maali ayaa magaalada Bamako ka bilaabay wadahadallo u dhaxeeya iyaga, mucaaradka iyo urururada bulshada. Kuwaas oo diiradda lagu saarayo sidii loo soo dhisi lahaa dowlad rayid ah.

Madaxda gobolka galbeedka Afrika ayaa millatariga dalka Maali afgambiga ku qabsaday ku Cadaadinaya  sidii ay xukunka ugu celin lahaayeen gacanta rayidka ah iyada oo saraakiisha millatariguna ay ballanqaadeen in laba sano gudahood uu dalku yeelan doono dowlad rayid ah.

Keita ayaa ku guuleystay doorashadii Mali ka dhacday sanadkii 2018-kii, laakiin waxaa tan iyo markaas taagneyd caro ku saabsan musuqmaasuqa ka jira waddanka, maamul xumo dhinaca dhaqaalaha ah iyo xaalad amni ee kasii dareysa.