Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynihii hore ee xilka laga xayuubiyay ee Kuuriyada Koonfureed Yoon Suk Yeol ayaa Sabtidii shalay xabsiga laga sii daayay, maalin ka dib markii ay maxkamad ku taal Seoul baab’isay xarigiisa isla markaana ogolaatay in maxkamad la soo taago isaga oo aanan xirneyd.
Ka dib markii uu ka soo baxay saldhig lagu hayay oo u dhaw Seoul, ayuu Yoon u gacan haadiyay una rukuucay taageerayaashiisa oo ku qaylinayay magaciisa isla markaana lulayay calanka Kuuriyada Koonfureed iyo Maraykanka. Yoon ayaa intaasi kaddib fuulay gaari madow oo u qaaday guriga uu ka dagganyahay Seoul.
Dacwad-oogayaasha ayaa dacwad ku soo oogay kaddibna xiray bishii January, ka gadaal marki ay ku eedeeyeen danbiyo ay ka mid ahaayeen amarki deg degga ahaa ee uu geliyay Kuuriya Koofureed saddexdii bishii December ee sannadki hore, tallaabadaas oo waddanka geliyay qalalaaso siyaasadeed oo mug weyn.
Mudanayaasha baarlamaanka oo u badan libaraal ayaa Yoon codka kalsoonida xilka uga xayuubiyay, arrintaas oo horseedday in laga mamnuuco xafiiska.
Maxkamadda Dastuuriga ah ayaa ka doodeysa in Yoon si rasmi ah shaqada looga ceyriyo ama dib loogu soo celiyo. Haddii ay maxkamaddu ayiddo xil ka qaadistiisa, muddo laba bil gudahood ah ayay dadka reer Kuuriya ku soo doora doonaan madaxweyne cusub.