Madaxweyne Xigeenka Jubaland iyo Agaasimaha Guud ee heya’adda socdaalka iyo Jinsiyaddaha oo dhagax dhigay dhismaha Xarunta dhexe ee laanta Socdaalka.

0
144

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeen Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali ayaa dhagax dhigay dhismaha Xarunta dhexe ee Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Agaasimaha Guud ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Mudane Cabdulqaadir Cilmi Cali (Cabdul) oo ka hadlay munaasabadda dhagax dhigga Xarunta Laanta 2aad ayaa sheegay muhiimadda ay u leedahay hirgelinta dhismahaan Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda gaar ahaan Laanta 2aad ee Hay’adda oo u adeegta deegaanada Jubbaland.

Madaxweyne ku xigeenka Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan ayaa ugu horeyn uga mahadceliyay Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda adeegyada ay ka bixiso deegaanada Jubbaland isagoo sidoo kalane ku tilmaamay dhismaha xaruntaan in ay muhiimad gaar ah u leedahay in laga hirgeliyo Magaalada Kismaayo oo xarun u ah Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Soomaaliya.

Xaruntan ayaa u adeegi doonta muwaadiniinta iyo dadka ajinabiga ah ee ku nool Jubaland iyo deegaanada ku dhow ee baahida u qaba adeegyada Jinsiyadda iyo Socdaalka maadama Jubaland ay xuduud aad u dheer la wadaagto dalalka dariska ah, waxaana dhismaha xaruntaan oo ka kobnaan doonta labo dabaq iyo goobihi kale ee adeega dadweynaha la qorsheeyay in la soo gebagabeeyo dhamaadka Sanadkan,

Ugu dambeyn, waxaa Agaasimaha Guud ee HSJ dhagax dhigeeda ku wehlnayey K/xigeenka Agaasimaha Guud ee HSJ Mudne, Xasan Cabdulqaadir Maxamed iyo Lataliyaha sare ee HSJ Mudne, Mahad Cabdi iyo Madaxda iyo Saraakiisha Laanta 2aad ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda.