Madaxweyne Xasan Sheekh oo xariga ka jaray dhismaha wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha Islaamka.

0
38

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xarigga ka jaray dhismaha cusub ee Wasaaradda Awqaafta iyo Arrimaha iskaamka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda oo khudbad ka jeediyay munaasabadda ayaa waxa uu adkeeyey muhiimadda ay leedahay isku-tashiga iyo in loo duubto horumarinta xarumaha Dowladda, si sare loogu qaado awoodda Hay’adaha ee bixinta adeegyada muhiimka u ah bulshada .

Madaxwaynaha ayaa sidoo kale ku bogaadiyay sidii ay Wasaaraddu u dhaqangalisay ballamihii hore loola galay ee ku aaddan sare u qaadista tayada adeegga loo hayo Xujeyda Soomaaliyeed isla markaana in laga shaqeeyo in la khafiifiyo culeyska dhaqaale ee khidmadaha laga qaado muwaadiniinta.