Madaxweyne Xasan Sheekh oo ku baaqay in loo gurmado dadka ay saameysay Abaarta

0
176

Dhobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa marka hore mahad ballaaran ujeediyay Alle subxaanahu wa tacaalaa oo suurta
geliyey in aan si nabad ah loo xuso Todobaadka Xoriyadda dalka oo xalay si rasmi ahu bilowday, inkastoo uu ka cudur daartay ka qeyb-gal la’aanta
munaasabadda 26ka Juun, maadaama uu u hoggaansamayo talooyinka bahda
caafimaadka ee la xiriira COVID-19.

Xuska sannad guurada 62-aad ee maalinta xoriyadda 26ka Juun, waa fursad aynu
ku sixi karno wixii naga qaldamay muddadaas, sidoo kale aan ku xoojin karno dhaqamada wanaagsan ee ay ka siman yihiin dadka Soomaaliyeed, kuwaas oo ay ugu horreeyaan is-caawinta, isu qalbi furnaanta iyo adkeynta midnimadooda ayuu yiri Madaxweynaha.

Munaasabadda Todobaadka Xorriyadda awgeed, waxaan ku boorrinayaa dhammaan dadka Soomaaliyeed in aan wadajir ugu istaagno dadkeenna la tacaalaya duruufaha nololeed ee adag ee ka dhashay abaaraha ku habsaday
dalkeenna, taasina ay tahay dabbaal degga ugu wanaagsan ee aynu u muujin karno Todobaadka Xorriyadda.

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa sheegay in Dadka Soomaaliyeeday si weyn u garoowsan yihiin dhibaatooyinka ay leedahay colaadda iyo khilaafaadka sokeeye ee dib u dhigay dowladnimada dalka.

” Maanta waxaan haysannaa fursad taariikhi ah oo shacabkeennu ay ku heshiiyaan, ku mideeyaan cagligooda, cilmigooda, cududdooda iyo jacaylka walaalnimo ee ka dhexeeya ummadda Soomaaliyeed, taas oo aan weligeed duugoobayn, waana jidka kaliya ee aynu kaga bixi karno amni xumada, saboolnimada, abaaraha iyo shaqo la’aanta curyaamisay dhallinyaradeenna ayuu kusoo geba-gabeeyay qoraal uu soo saaray Madaxweynaha.