Madaxweyne Xasan Sheekh oo furay kalfadhiga 6-aad ee Barlamaanka Soomaaliya.

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud oo maanta si rasmi ah u furay Kalfadhiga 6-aad ee Baarlamaanka 11-aad ee Federaalka Soomaaliya ayaa ku bogaadiyey Guddoonka, Xubnaha Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare shaqadii baaxadda lahayd ee ay qabteen intii lagu gudajiray kalfadhiyadii hore ee Baarlamaanka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in heshiisyadii siyaasadeed ee Madasha Qaranka iyo ansixinta Baarlamaanka ee afarta cutub ee ugu horreeyay Dastuurka ay horseedeen hirgelinta qorshaha doorashooyinka tooska ah, lagana gudbayo doorashooyinkii dadbanaa ee caqabadda ku ahaa dowladnimada dalka, waxa uuna ugu baaqay Baarlamaanka in kalfadhigan lagu dhammeystiro cutubyada dhimman ee Dastuurka, si looga gudbo khilaafaadka curyaamiyey dowlad-dhiska Soomaaliyeed.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa xusay in guushii deyn cafinta kaddib ee dhammaadkii sanadkii 2023, xoogga la saaray sidii Soomaaliya ay uga faa’iidaysan lahayd khayraadkeeda, waxa uuna sheegay in Dowladda Federaalka Soomaaliya aysan wax deyn ah qaadan muddadii la soo dhaafay, ayna ku dadaashay in ay beekhaansato oo isku maarayso dhaqaalaha ka yimaada canshuuraha ay bixiyaan muwaadiniinta Soomaaliyeed, waxa uuna ku bogaadiyey ganacsatada iyo guud ahaan canshuur-bixiyayaasha Soomaaliyeed sida ay uga go’an tahay horumarinta iyo xasilinta dalka.