Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa magaalada Muqdisho ka dhagax-dhigay mashruuca casriga ah ee Gateway Complex, kaas oo ay maalgelinayaan ganacsato Soomaaliyeed, qeyb weyn ka qaadan doono horumarinta dhaqaalaha, ganacsiga iyo fursad siinta shirkadaha waaweyn ee caalamka ah si ay ugu soo dhiirradan maalgashiga dalkeenna.
Madaxweynaha oo khudbad ka jeediyey munaasabadda lagu dhagax-dhigayey mashruucan ayaa ganacsatada Soomaaliyeed ee soo hindistay aragtidaan casriga ah ku bogaadiyey daddaallada ay ku bixinayaan kobcinta dhaqaalaha, dib u yagleelida quruxda caasimadda, magaca iyo wajiga cusub ee dalkeenna si uu caalamku u arko wax qabsigeenna, taas oo door ka qaadaneysa in Soomaaliya ay ku soo hirtaan ganacsato badan oo heer caalami ah.