Madaxweyne Xasan Sheekh oo dhagax dhigay garoonka casriga ah ee Muqdisho.

0
39

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Soomaaliya  Xasan Sheekh Maxamuud ayaa dhagax-dhigay dhismaha Garoonka Diyaaradaha Caalamiga ah ee New Mogadishu International Airport, oo laga hirgelinayo degmada Warsheekh ee gobolka Shabeellaha Dhexe.

Madaxweynaha ayaa sheegay in mashruucan uu muhiim u yahay horumarka iyo isku xirnaanta dalka, gaar ahaan dhanka duulista hawada iyo horumarinta kaabeyaasha dhaqaalaha, isagoo tilmaamay in garoonkan uu noqon doono mid casri ah oo si buuxda ugu adeegaya bulshada Soomaaliyeed iyo duulimaadyada caalamiga ah ee Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh waxaa munaasabadda dhagax-dhigga ku wehliyey Madaxweynaha Dowlad-Goboleedka Hirshabeelle, Mudane Cali Cabdullaahi Xuseen, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Xasan Maxamed Xuseen, Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha ee Dowladda Federaalka Mudane Maxamuud Aadan Geesood, Wasiiru Dowlaha Gaadiidka iyo Duulista Hawada Mudane Cabdikariin Cabdow Xeydar iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Duulista Rayidka Soomaaliyeed Mudane Axmed Macallin Xasan.