Madaxweyne Xasan Sheekh oo Culumaa’uddiinka ku boorriyay midnimo.

0
55

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Waxaa xalay magaalada Muqdisho kulan casho ah ku qaatay culimada Soomaaliyeed oo maalmihii lasoo dhaafay ku shirayay Muqdisho iyo Madaxweynaha Soomaaliya.

Xasan Sheekh oo munaasabadda ka jeediyay khubad ayaa wadaaddada kula dardaarmay in ay la yimaadaan midnimo buuxda si bulshada Soomaaliyeed ay ugu daydaan, maantana loo baahanyahay in la helo shacab iyo dowlad hal aragti leh, Culimaduna ay jiheynayaan.