Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka, Donald Trump ayaa sheegay in Iran iyo Israel ay gaareen heshiis xabad joojin ah oo dhaqangeli doona lix saac ka dib.
Madaxweynaha ayaa bartiisa barraha bulshada ku shaaciyay xabad joojin dhameystiran oo u dhaxeysa Israel iyo Iran.
Madaxweynaha ayaa ku waramaya in xabad joojintu ay bilaaban doonto ku dhawaad lix saacadood, oo ka bilaabaneysa xilliga uu ku dhawaaqay.
Madaxweyne Trump ayaa sheegay in 24 saac gudahood uu si rasmi ah u soo afjari doono dagaalka labada dal.
Trump ayaa qoraalka ku sheegay in heshiiskan uu soo afjari doono colaaddan ugu dambeysay ee Israel iyo Iran, oo uu ugu magac-daray (Dagaalkii 12-ka maalmood.
“Kani waa dagaal socon karay sanado oo baabi’in lahaa Bariga Dhexe, laakiin ma dhicin, weligiisna ma dhici doono.” Ayuu yiri Trump.
Iran iyo Israel midna ma xaqiijin warka Trump ee ku saabsan in la gaaray heshiis xabad joojin ah, illaa iyo haddana ma jirto wax damaanad qaad ah oo ku aaddan in dagaalku uu halkan ku dhamaanayo amaba ay xabaddu istaageyso.
Wax yar ka dib hadalka Trump ayaa qaraxyo waaweyn laga maqlay Magaalada Tehran, waxayna Israel soo saartay amar ay dadka ugu sheegeyso in ay ka baxaan saddex ka mid ah degmooyinka magaaladaasi.
Iran ayaa la filayaa in ay si dhakhsa ah uga jawaabi doonto weerarkan ugu dambeeyay ee uga yimid Israel, sida ay ku warantay Warbaahinta dalkaasi.
Fara-gelinta militari ee Mareykanka uu ku sameeyay dalka Iran ayaa dad badani ka yaabisay, waxayna Washington ka dhigtay mid si toos ah ugu lug leh colaadda Bariga Dhexe, taas oo hadda uu Trump u muuqdo mid xal u raadinaya fadeexaddii siyaasadeed ee maamulkiisa ka qabsatay.
Duqaynta uu Mareykanku Axaddii u gaystay xarumaha nuclear-ka ee Iran ayaa dabka ku sii shidday xiisadda Bariga Dhexe ee cirka isku shareertay, markii Israel ay 13-kii bishan bilowday inay hadaf militari ka dhigato goobaha xasaasiga ah ee dalkaasi, keentayna in uu dagaal ka dhex qarxo labada dal.
Iran oo weerarka Mareykanka ku qeexday xadgudub ka dhan ah qaranimadeeda iyo sharciga caalamiga ah ayaa iyadoo ka jawaabeysa waxay xalay gantaalo ku weerartay saldhigga weyn ee militari ee Mareykanka uu ku leeyahay dalka Qatar.
Weerarka aargoosiga ee Iran ayaa cabsi badan ka abuuray dalalka Khaliijka, wuxuuna xoojiyay dareenka ku aaddan suurtagalnimada in Tehran ay bartilmaameedsan karto saldhigyada kale ee Mareykanku uu ku leeyahay dalalkaasi.
Hadda, haddii Tehran iyo Tel Aviv ay isla qaataan xabad joojintan ayaa waxay yareyn doontaa xaaladda aad u kacsan ee ka jirta Bariga Dhexe, inkastoo inta dagaalka Gaza uu socdo ay xasilloonida gobolka tahay mid aan cago badan ku taagneyn.