Madaxweyne taageero u muujiyey Falastiin oo Maraykanku sheegay inuu Fiisaha kala laabanayo

0
78

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda Maraykanka ayaa sheegtay inay fiisaha kala noqon doonto madaxweynaha dalka Colombia Gustavo Petro oo dalkaasi u tagay ka qayb galka meertada 80-aad ee shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.

Tallaabadan ayey ku sheegeen Maraykanku inay u qaadayaan ka dib markii madaxweyne Gustavo uu New York kaga qeyb galay isku soo bax lagu taageeryo Falastiin isagoo hadalo halkaas uu ka jeediyey ay ka mid ahaayeen in uu “ku booriyay askarta Mareykanka in ay diidaan amarka madaxweyne Donald Trump.

“Waxaan kala noqon doonaa fiisaha Petro sababtoo ah taxadar la’aantiisa iyo ficiladiisa kicinta leh,” ayaa lagu yiri qoraal ay waaxda arrimaha dibadda Maraykanku ku shaacisay barteeda X, ee horrey loo oran jiray Twiter.

Madaxweyne Petto, ayaa hadal u jeediyey bannaan baxayaal taageersan Falastiin oo isugu soo baxay afafka hore ee xarunta Qaramada Midoobey ee ku taalla Manhattan isagoo ku baaqay in la sameeyo xoog ciidan caalami ah oo mudnaanta la siiyo xoreynta Falastiiniyiinta, isagoo intaas ku daray, “Xooggan waa inuu ka weyn yahay kii Mareykanka.”

Petro, ayaa bartiisa bulshada ku baahiyay muuqaal isaga oo Jimcihii dadweyne badan la hadlaya isaga oo adeegsanaya cod-baahiye yar oo uu gacanta ku haysto, wuxuuna khudbaddiisa ku jeedinayay luquada Isbaanishka.