Madaxweyne Soomaaliya oo la filayo inuu maanta gaaro Puntland

0
226

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Soomaaliya, Mudane Xasan Shiikh Maxamuud ayaa lagu wadaa in saacadaha soo socda gaaro Magaalada Garoowe ee Caasimadda Puntland.

Wefdi horudha u ah Madaxweynaha oo uu hoggaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaa shalay gaaray Garoowe, kuwaasi oo kulan la yeeshay Madaxweynaha iyo ku xigeenkiisa Puntland.

Madaxweynaha ayaa la filayaa inta uu ku sugan yahay Garoowe in uu kulamo la yeesha Madaxda Maamulka Puntland, qeybaha kala duwan ee Bulshada sida isimada iyo IWM.

Waa safarkii ugu horreeyay ee Xasan Shiikh ku tago Garoowe sidii loogu doortay Madaxweynaha 15 bishii May ee sannadkan, hore waxaa u gaarey Dhuusamareeb, Baydhabo.