Madaxweyne Qoor Qoor iyo wafdi uu hogaaminayo oo lagu soo dhoweeyay Turkiga

0
150

Madaxweynaha dowlad goboleedka  Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoor Qoor) iyo wafdi uu hoggaaminaayey oo garay dalka Turkiga,ayaa waxaa Magaalada Istanbul ee daalkaasi ku soo dhoweeyay Masuuliyiinta Safaarada Soomaaliya ee uu hogaaminayay Amb jaamac Cabdullaahi Ceydiid iyo ku xigeenkiisa .

Wafdigaasi waxaa sidoo kale dadka soo dhoweeyay ka mid ahaa guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalka Turkiga Sheikh Maxamed, qaar ka mid ganacsatada Soomaaliyeed ee ku dhaqanka Turkiga.

Madaxwaynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (QoorQoor) waxaan safarka ku wehlinayo guddoomiyaha guddiga la socodka iyo hirgalinta dib u-eegista dastuurka ee barlamaanka federaalka Soomaaliya Cabdi Xasan Cawaale (Qeydiid) maareeyaha wakaalada horumarinta dhismaha Soomaaliyeed bashiir Maxamed Jaamac (Keynaan) iyo xubno kale.

Ugu dambeyn madaxweynaha Galmudug ayaa la filayaa inta uu dalkaasi ku suganyahay uu la kulmi doono madaxada safaaradda Soomaaliya ee dalka Turkiga,Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaasi iyo ardayada Soomaaliyeed ee wax ka barata magaalooyinka kala duwan ee dalkaasi ,isagoo kala hadli doono xaalada guud ee dalka gaar ahaan deegaanada Galmudug.