Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Dowladda dalka Zimbabwe ayaa si rasmi ah u baabi’isay ama meesha ka saartay xukunkii dilka ahaa ka dib markii madaxweynaha waddankaasi Emmerson Mnangagwa uu saxiixay xeer dilka u beddelaya in ay muddo xirnaadaan maxaabiis dhan 60 oo dil toogasho ah ku xukunaa.
Waxaa jirtay hakinta xukunnada dilka ah ee ka dhacayay dalka Zimbabwe tan iyo sanadkii 2005-tii, in kastoo maxkamadaha ay sii wadeen xukunka dilka ah ee loo haysto dambiyada ay ka mid yihiin dil, khiyaano qaran iyo argagixisanimo.
Xeerka ciqaabta dilka, oo lagu daabacay wargeyska dowladda Zimbabwe ayaa qeexaya in maxkamaduhu aynan mar dambe adeegsan doonin xukun dil oo ka dhan ah dembi kasta taasina loo beddelay xabsi.
Si kastaba ha ahaatee, hal qodob ayaa sheegaya in hakinta ciqaabta dilka la qaadi karo inta lagu jiro xaalad degdeg ah.
Ugu yaraan 59 qof ayaa la diiwaangeliyay in lagu xukumay dil dalka Zimbabwe dabayaaqadii sanadkii 2023-kii.
Waxaa sidatan bayaan ay soo saartay ku sheegtay hay’adda caalamiga ee xuquuqul aadanaha ee Amnesty International oo xustay in ay soo dhawaynayso isbeddelka cusub oo ay ku tilmaantay mid taariikhi ah.