Madaxweyne Laftagareen oo gaaray Dhuusamareeb iyo Madax kale oo ku wajahan

0
276

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha dowlad goboleedka Koonfur Galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed (Lafta-gareen) iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray magaalada Dhuusamareeb ee caasimadda Galmudug.

Garoonka diyaaradaha magaalada Dhuusamareeb ayaa waxaa wafdiga madaxweynaha Koonfur Galbeed ku soo dhaweeyay madaxweynaha Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor) iyo xubno ka tirsan labada gole ee maamulka Galmudug.

Madaxweynaha Koonfur galbeed Cabdicasiis Xassan Maxamed ayaa magaalada Dhuusamareeb u tagay ka qeyb galka shirka wadatashiga ee u dhexeeya madaxda dowladda Federaalka iyo Madaxda maamul goboleedyada kaasoo maanta lagu wado inuu ka furmo magaalada Dhuusamareeb islamarkana uu socon doono muddo saddex maalmood ah.

Shirkan ayaa lagu gorfeyn doonaa heshiiskii 17-kii September lagu gaaray magaalada Muqdisho islamarkana lagu heshiiyay hanaanka  Doorashada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulahi Farmaajo, madaxweyne Hirshabeelle Cali Cabdulahi Xuseen ( Guudlaawe) madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam, madaxweynaha Puntland Saciid Cabdulahi Deni iyo guddoomiyaha gobolka Banaadir Cumar Maxamuud Maxamed ayaa lagu wada inay tagan magaalada dhuusamareeb.