Madaxweyne ku xigeenka Labaad ee Jubbaland oo kormeer ku tagay Garoonka Diyaaradaha ee Kismaayo

0
48
Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne kuxigeenka labaad ee Dowladda Jubbaland mudane Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud oo ay weheliyaan Wasiirka Wasaaradda Gaadiidka iyo Duulista Hawada mudane Cabdullaahi Dubad Shiil, Maareeyaha Garoonka Diyaaradaha magaalada Kismaayo Cabdirisaaq Aadan Inshaar iyo Taliyaha Amniga Garoonka ayaa saaka kormeer ku sameeyay qeybaha kala duwan ee Garoonka Sayid Maxamed Cabdulle Xassan uu ka koobanyahay.
Maamulka Garoonka ayaa Madaxweyne kuxigeenka labaad iyo Wasiirka Wasaaradda sharaxaad ka siiyay habsami usocodka howlaha shaqo ee kasocda Garoonka iyo mashaariic muhiim ah oo kala duwan oo qaarkood ay gabogabo yihiin oo si heer sare ah uga socda gudaha Garoonka Diyaaradaha ee magaalada Kismaayo.