Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Jubbaland iyo wafti uu hoggaaminayay oo kormeer ku tagay goob loo asteeyay in la dajiyo dadkii ay abaartu saameysay.

0
186

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeenka labaad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Cabdiqaadir Xaaji Maxamuud iyo wafti uu hoggaaminayay ayaa  kormeer iyo indha indhayn ku tagay goobo loo asteeyay in la dajiyo dadka ay abaaruhu saameeyeen guud ahaanba Deegaanada Jubbaland.

Wafdiga Madaxwaynaha ayaa waxaa qeeb ka ahaa Wasiirka Wasaarada arimaha gudaha fadaraalka iyo dib u heshisiinta Jubbaland Mudane Maxamed Warsame Darwwiish, Wasiirka Wasaarada Gargaarka iyo maaraynta Masiibooyinka Jubbaland Mudane Cabdiraxmaan Cabdi Axmad, Wasiirka Wasaarada Amniga gudaha Mudane Yuusuf Xuseen Cusman Dhumaal, Wasiirka Wasaarada Howlaha Guud iyo Guriyeenta Injineer Ismaaciil Axmad Garas, Wasiirka Wasaarada Tamarata iyo Biyaha Mudane Axmad Xuseen Baraki, Gudomiyaha Dagmada Kismaayo Cumar Cabdulaahi Farawayne iyo mas’uuliyiin kale.

Madaxwayne ku xigeenka iyo wafdigiisa ayaa soo indh indheeyay goobta loo asteeyay in la dajiyo dadka xoolohodii ku wayay abaarta ka jirta deegaanada Jubbaland.

Maxamed Cali Samow.ayaa kawaramaya.