Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar oo kulan laqaatay Xildhibaano Katirsan Maamulkiisa

0
176

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)  Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa xarunta maamulka gobolka Hiiraan kulan kula qaatay xildhibaano ka tirsan baarlamanka dowlad goboleedka Hirshabeelle oo ku sugan magaalada Baladweyne.

Kulanka ayaa diirada lagu saaray sidii xal loogu heli lahaa tabashada ay qaban inta badan bulshada gobolka Hiiraan islamarkana ka dhalatay hanaankii loo dhisay maamulka Hirshabeelle.

Bogga Facebook-ka ee madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa lagu daabacay qoraalkan.” Waxaan kulanka looga hadlay sidii loo xoojin lahaa midnimada iyo wada jirka ummadda reer Hirshabeelle, loona bilaabi lahaa bog cusub oo ku dhisan is afgarad, horumar iyo wada hadal, mira dhala, waxaan balan qadayaa markale inaan habeen iyo maalin diyaar u ahay qancinta dadka tabashada qabo, waxaana hubaal ah inaan marnaba gorgortan ka geli doonin masiirka Ummada reer Hirshabelle waxii kasoo horjeedo, sharciga, shuruucda dalka, diinta iyo dhaqankeena Suuban si loo xaqiijiyo halbeega dadka aan mas”uulka ka nahay.

Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa muddo ku dhow laba bilood ku sugan magaalada Baladweyne isagoo wali xal u helin tabashada ka dhalatay hanaanka loo dhisay maamulka Hirshabeelle.