Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Mudane Cali Daahir Ciid ayaa Magaalada Cadaado ka daah furay koobka kubadda cagta degmooyinka Galmudug.
Wxaana munaasabada lagu daahfurayey tartanka koobka kubadda ee degmooyinka ku sugnaa masuuliyin kale oo ka tirsan Galmudug iyo koobka metelaya degmooyinka tartanku dhexmarayo
Madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in ciyaaruhu kaalin weyn ay ka qaataan isdhexgalka bulshada, reer Galmudugna uu muhiim u yahay koobkaan shalay la daahfuray Degmada cadaado oo marti-gelinaysa tartanka kooxaha ku badda cagta ee Galmudug.
Fardowsa Axmed Cabdi.ayaa kawarameysa