Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeenka dowlad goboleedka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa si rasmi ah xariga uga jaray ceel biyood laga hirgeliyay magaalada Feerfeer ee gobolka Hiiraan.
Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan, xubno ka tirsan maamulka Hirshabeelle, xildhibaano, wasiiro iyo saraakiil ciidan ayaa goob joog ka ahaa xari jarka ceelka riiga ah.
“ Ceelkan dhaqaalaha ku baxay waxaa qeyb ka qaatay shirkadda qodeysay, sidoo kale waxaa qeyb ka qaatay maamulka, ganacsato iyo dhalinyaro, anaga ayaa isku tashanay ma dhihin hay’adey wax na sii alle ayaan barinay waana naga aqbalay, mudane madaxweyne ku xigeen, waxaa hadda ka dhiman haantii loo dhisi lahaa ceelka ee biyaha lagu keydin lahaa, matoorkii iyo darkii xoolaha biyaha ku cabi lahayeen.”ayuu yiri guddoomiyaa gobolka Hiiraan Cali Jeyte Cismaan.
Madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed Hagar ayaa bogaadiyay ceel biyoodkan laga hirgeliyay magaalada Feerfeer ee gobolka Hiiraan.
“ Maamulka gobolka Hiiraan oo uu ugu horeeyo guddoomiyaha gobolka Hiiraan, odayaasha dhaqanka iyo cid kasta oo gacan ka geysatay hirgelinta ceel biyoodkan, shaqadan waxay ka mid tahay kuwa loo igmaday maamulka inay qabtan.”ayuu yiri madaxweyne ku xigeenka Hirshabeelle Yuusuf Axmed.