Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Jubbaland oo ka qayb galay salaada ciida.

0
204

Dhoobleey(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeenka 2aad ee Dowlad Goboleedka Jubbaland Mudane C/qaadir Xaaji Maxamuud ayaa boqolaal shacab iyo mas’uuliyiin ah kula tukaday garoonka kubbada cagta Waamo ee magaalada Kismaayo.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa Shacabka Soomaaliyeed gaar ahaan dadka reer Jubbaland ugu hambalyeeyay Maalinta Koobaad ee Ciidul Fitriga, isaga oo u rajeeyay in sanadkaan sankiisa kale ay ku gaaraan Bashbash iyo Barwaaqo.

Madaxweyne kuxigeenka ayaa shacabka ugu baaqay in la caawiyo dadka masaakiinta ah, sidoo kale waxaa uu ugu baaqay Shacabka Jubbaland inay Ciidamada kala Shaqeeyaan sugida amniga si bulshada Jubbaland ay ugu wada ciidaan farxad iyo damaashaad.