Madaxweyne ku xigeenka 1-aad ee Jubbaland oo ka hadley shirka nabadeynta beelaha dhawaan ku dagaalamay Luuq

0
27

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne ku xigeenka koobaad ee Jubbaland Mudane Maxamuud Sayid Aadan oo ku sugan degmada Luuq ee gobalka Gedo oo daah furay Shirka isku keenida Beelaha ay dhawaan Shaqaaqadu ku dhax martay Degmada Luuq ayaa Sheegay in ay muhiim tahay in la xoojiyo wada xaajoodyada ka socda Degmada Luuq.

Mudane Maxamuud Sayid Aaden oo sii hadlayay ayaa sheegay in Amniga Degmada Luuq uu yahay mid aan gorgortan laga galeynin cidnana laga aqbaleynin ay sidii ay doonto ka sameysato taasi badalkeedana wixii caqabad ah oo dhaca wada xaajood iyo wada hadal lagu dhameen doono sida uu sheegay Madaxweyne ku-xigeenku.

Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya