Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Wafdi u hogaaminayay Madaxweyne ku 1-aad ee Dowlad Goboleedka Jubbalaand Mudane Maxamuud Sayid Aaden ayaa si diiran loogu soo dhaweyay Degmada Luuq ee Gobolka Gedo.
Wafdigan oo ay qeyb ka ahaayeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Dowlad Goboleedka Jubbalaand iyo sido kale Xildhibaano ka tirsan BDFS iyo kan Dowlad Goboleedka Jubbalaand waxaa Garoonka Diyaaradaha Degmada Luuq ku soo dhaweyay Masuuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Gedo kan Degmada Luuq iyo sido kale Qeybaha kala duwan ee bulshada ku nool Degmada.
soo dhaweyn ka dib wafdiga Madaxweynaha ayaa loo galbiyay Guriga Martida ee Degmada Luuq.
Xasan Maxamed Cabdullaahi.ayaa kawaramaya