Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Rwanda Paul Kagame ayaa Axaddii shalay loo dhaariyay xafiiska Madaxweynaha dalkaasi dhaca Bariga Africa shanta sano ee soo socota, ka dib markii uu si aqlabiyad leh ugu guuleystay doorashadii bishii hore.
Kagame oo ah 66 sano jir ayaa helay 99.18% codadki la dhiibtay bishii July, kaddib marki ay guddiga doorashada ay tartanka doorashada ka reebeen ilaa 8 murashax oo isu soo taagtay doorashada. Xilka cusub ee Kagame ayaa ka dhigan in Maamulkiisa Rwanda uu gaari doono ku dhawaad rubuc qarni.
Madaxda reer Galbeed iyo kuwa gobolka ayaa Kagame ku ammaanay sida uu dalka uga soo saaray mushkiladihi ka dhashay xasuuqii sannadki 1994-kii iyo sida uu ugu guuleystay soo jiidashada Maalgashadayaasha Caalamiga ah ee Rwanda.
Hase yeeshee, waxaa sumcaddiisa waxaa hoos u dhigay eedeymaha ku saabsan xadgudubyada xuquuqda iyo caburinta mucaaradka iyo taageeridda fallaagada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo.
Eedahaas oo uu dhammaan diiday madaxweyne Kagame.