Madaxweyne JFS Xasan Sheekh oo ku wajahan dalka Uganda

0
178

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Maanta dalka uga ambabaxaya safarkii Sideedaad tan iyo markii la doortay, isaga oo ku wajahan Magaalada Kampala ee Caasimadda dalka Uganda.

Madaxweynaha ayaa Magaalada Kampala kula kulmi doona Madaxda dalka Uganda, isaga oo sidoo kale ka qeyb geli doona Shir looga hadlayo iskaashiga Ganacsiga Soomaaliya iyo Uganda.

Sidoo kale Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa inta uu ku sugan yahay dalka Uganda la kulmi doona Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkaas, isaga oo ka dhageysan doona warbixino ku saabsan xaaladooda & hadii ay jiraan dhibaatooyin ay qabaan.