Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweyne Félix Tshisekedi ayaa lagu dhawaaqay inuu ku guuleystay doorashada Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ah ee Congo, taasoo musharraxiin dhowr ah ah ay ku tilmaameen “wax laga xishoodo” .
Musharraxiin dhowr ah oo mucaaradka ah oo dalbanaya in mar kale lagu celiyo.
Madaxweynaha ayaa ku guuleystay ilaa 73% codadkii la dhiibtay, halka ninka ugu soo dhowaa ee Moise Katumbi uu helay 18%, sida ay saraakiishu sheegeen.
Doorashadii 20-kii Disembar waxaa hareeyay dhibaatooyin dhanka saadka oo baahsan.
Waxay ahayd in lagu kordhiyo maalin labaad qaybo ka mid ah dalka ballaaran.
Qiyaastii saddex meelood labo meel goobaha codbixinta ayaa furmay goor dambe, halka 30% mashiinada codbixinta aysan shaqeyn maalintii ugu horeysay ee codbixinta, sida ay sheegeen koox goobjoogayaal ah.