Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Mar wax laga weydiiyay suurtagalnimada in uu la kulmo Madaxweynaha Suuriya Bashaar Al-Asad iyo xiriirka Turkiga uu la leeyahay Suuriya iyo Masar, wuxuu yiri Erdogan, “Ma jiri karto caro siyaasadee weligeed. Marka wakhtigu yimaado,
waa in aad fariisataa oo aad, qiimeeysaa, waxaad samayn karto oo ah
cusbooneysiin ku habboon,
Erdogan, ayaa sheegay in xilligaan ay tahay in Turkigu ka fiirsado xiriirka kala
dhaxeeya dalalka xurguftu ka dhaxeyso."Waqti xaadirkaa , Turki ahaan, waxaan
dib u eegi karnaa xiriirka aan la leenahay dalalka ay dhibaatada naga
haysato”.ayuu yiri Erdogan.
Wuxuu intaas ku daray:-“Waanu samayn karnaa mar kale, gaar ahaan doorashada
June kadib. Sidaas awgeed, waxaan rajeynayaa inaan sii hayno jihada aan u
socono.
Madaxweynaha Turkiga ayaan faah-faahin dheeri ah ka bixin su’aalaha laga
waydiyay suurtagalnimada ah inuu la kulmayo madaxweynaha Suuriya Bishaar Al-
Asad. Hase yeeshee waxaa la ogyahay in dhowr mar uu horey u sheegay in marka
kulankaas waqtigiisu yimaado uu dhacyo.
Turkiga ayaa ka mid ah dalalkii militeri ahaan ugu lug yeeshay dagaalka Suuriya
oo markii hore ka dhex qarxay ciidamada daacadda u ah dowladda madaxweyne
Aasad iyo xoogagga mucaaradka ah ee isku dayay in ay xukunkiisa ridaan.
Horaantii bishii October ee sanadkii 2019-kii ayuu Turkiga howlgal militeri ku
galay Suuriya oo ay uga tallaabeen dhinaca xadka waqooyi. Militeriga Turkiga
ayaa bartilmaameedsanayay xoogagga ay Kurdiyiintu hoggaamiyaan ee ku sugnaa
aaggaas.
Tallaabada Turkiga ayaa daba socotay go’aankii uu Mareykanka ciidamadiisa uga
saaray Suuriya ka dib markii ay in muddo ah ka fulinayeen dhaqdhaqaaqyo
militeri.
Afar maalmood markii uu socday howlgalka Turkiga, Kurdiyiinta ayaa heshiis la
galay dowladda Suuriya si ay ciidankeeda ugu soo dirto ayna uga caawiyaan iska
caabbinta gulufta Turkiga.
Saameynta milateri ee dalka Turkiga ayaa sanadihii dambe aad loo dareemay,
waxaan ugu dambeeyay ciidamada Turkiga uu u diray dalka Libya iyo kuwii kasii
horeeyay ee hawlgalka ku fuliyay waqooyiga dalka Suuriya.