Madaxweyne Biden oo shacabka Mareykanka ugu baaqay midnimo

0
45
U.S. President Joe Biden delivers an address to the nation from the Oval Office of the White House in Washington, DC on July 14, 2024. Erin Schaff/Pool via REUTERS

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynaha Mareykanka Joe Biden ayaa khubad uu xalay fiidkii xilliga saacaddi bari ee Mareykanka jeediyay, ugu baaqay shacabka Mareykanka midnimo, maalin kaddib markii uu iskuday dil ka badbaaday madaxweynihi hore Donald Trump.

Trump ayaa dhaawac fudud uu kasoo gaaray dhagta midig Sabtidi, xilli uu hadal u jeedinayay taageerayaashiisa oo isugu yimid fagaaro ku yaallo degmada Butler ee gobolka Penslvania.

Biden wuxuu sheegay in midnimada ay tahay waxa ugu muhiimsan ee ay shacabka Mareykanka xilligan u baahan yihiin, islamarkaana aysan shacabka Mareykana lumen waxa ay yihiin Mareykan ahaan iyo waxa ay u taagan yihiin.