Madaxweynayaasha Ruushka iyo Shiinaha oo si adag uga hadlay weerarda Israa’iil ku qaadday Iran

0
37

Dhoobley(Idaacadda Sanguuni)-Madaxweynayaasha Shiinaha iyo Ruushka ayaa si adag u cambaareeyay weerarada Israa’iil ay ku qaaday Iran, waxayna ku baaqeen in xiisadda la dejiyo.

Xi Jinping iyo Vladimir Putin ayaa yeeshay wadahadal khadka telefoonka ah, waxayna ku muujiyeen taageeradooda in xalka lagu gaaro wadahadal diblomaasiyadeed.

Wasiirka arrimaha dibadda ee Iran, Abbas Araaqi, ayaa lagu wadaa inuu Jimcaha kulan la yeesho wasiirada dhiggiisa ah ee dalalka Faransiiska, Jarmalka iyo Britain, kaasoo ka dhacaya magaalada Geneva. Ku-xigeenkiisa, Saeed Khatibzadeh, ayaa u sheegay BBC-da in Iran ay diyaar u tahay diblomaasiyad, balse ay sii wadi doonto iska caabbinta weerarada Israa’iil.